XEERKA MAAMULKA CIYAARTOYDA, KA-QAYBGALKA TARTAMADA DALKA DIBADDIISA IYO GANAAXYADA KA DHALANAYA
2.16. Ciyaartoyda ka ciyaarta dalka dibaddiisa
Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, isaga oo ka duulaya horumarinta iyo kor u qaadista magaca ciyaartoyda ka ciyaarta dalka Somaliland, waxa uu soo saaray xeerka lagu maamulayo ciyaartoyda dalka.
2.16.1. Ciyaartoy kasta oo u ciyaara kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan dalka, waxa gebi ahaanba ka mamnuuc ah inuu ka qayb galo tartamada aan u qalmin heerka uu joogo, sida tartamada degmooyinka dalka iyo dalalka kaleba.
2.16.2. Ciyaartoyga ka ciyaara heerka koowaad waxa uu ka ciyaari karaa tartamada gobollada oo keliya, haddii aanay kooxdiisu wax tartan ah ku jirin.
2.16.3. Ciyaartoy kasta oo ka ciyaara heerarka labaad iyo saddexaad ee horyaallada dalka, waxa u furan inuu metelo tartan kasta oo ka dhaca dalalka aynu jaarka nahay.
2.16.4. Haddii ay kooxdiisu tartan ku jirto, kama tegi karo ilaa uu tartanku dhammaanayo.
Ciyaartoygii u hoggaansami waaya awaamiirta uu soo saaray XKCSL ee kor ku xusan, waxa uu la kulmayaa ganaaxyadan:
B. In uu hal xilli-ciyaareed oo dhammaystiran ka maqnaado naadigiisa, kaas oo ka bilaabmaya wakhtiga ganaaxu ku dhacay.
T. In gebi ahaanba la masaxo wixii uu (Statistics) bandhig ka sameeyey tartamada ay kooxdiisu ku jirtay.
J. Haddii uu ciyaartoygu, isaga oo aanay kooxdiisu wax tartan ah ku jirin, ka soo ciyaaro tartamada laga mamnuucay, waxa uu kooxdiisa ka maqnaanayaa hal xilli-ciyaareed.
2.16.5. Ciyaartoyda ajaanibka ahi way ka soo ciyaari karaan tartamada dalalkooda.
✍️Xafiiska Warbaahinta XKCSL.
