Subscribe
MM Somali TV
Breaking
News
News

Somaliland ayaa lagu tilmaamay dal leh fursado badan oo maalgashi

Maqaal uu qoray Maxamed Cabdi Idiris oo inta badan wax ka qora xidhiidhka caalamiga ah

Zaki261 min read24K views
Maqaal uu qoray Maxamed Cabdi Idiris oo inta badan wax ka qora xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayaa Somaliland ku eegaya dhinaca maalgashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamaya fursadaha ay dalka u abuuri karto juqraafiyadda uu ku yaallo.


Qoraagu wuxuu si gaar ah u xusay Dekedda Berbera iyo Aagga Dhaqaalaha Berbera, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland siinayaan fursad ay kaga qayb qaadato isku-xidhka ganacsiga Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.

Waxa kale oo maqaalka lagu soo bandhigay fursadaha ka jira xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, saadka, tamarta la cusboonaysiin karo, wax-soo-saarka iyo tiknoolajiyadda.

Qoraagu wuxuu sheegay in aanay Somaliland ku filnayn in ay kheyraadkeeda dibadda u dhoofiso, balse loo baahan yahay in gudaha dalka lagu sameeyo wax-soo-saar iyo qiime-dhis, si loo helo shaqooyin badan, ganacsiyo cusub iyo koboc dhaqaale.

Maqaalka waxa kale oo lagu xusay doorka dhalinyarada, ganacsatada iyo hal-abuurka gudaha, iyadoo maalgashiga caalamiga ah loo arko mid aan ku koobnayn lacag shisheeye, balse keeni kara aqoon, tiknoolajiyad, tababar iyo xirfado cusub.

Dhinaca iskaashiga caalamiga ah, qoraagu wuxuu xusay dalalka khibradda u leh beeraha, maaraynta biyaha, tamarta nadiifta ah iyo tiknoolajiyadda, isaga oo Israel tusaale uga dhigay dalalka Somaliland ay khibrad uga faa’iidaysan karto.

Hase yeeshee, soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ahi waxay u baahan tahay sharciyo cad, hay’ado xooggan, hufnaan, kaabayaal wanaagsan iyo jawi ganacsi oo la isku halayn karo.

Marka la soo koobo, maqaalka ayaa Somaliland ku tilmaamaya meel leh juqraafi istaraatiiji ah, deked muhiim ah, kheyraad iyo bulsho dhalinyaro ah, kuwaas oo haddii si wanaagsan looga faa’iidaysto Somaliland ka dhigi kara meel muhiim u ah maalgashiga caalamiga ah.
Mohamed Abdi Idiris

Related Stories