Subscribe
MM Somali TV
LATEST
News
News

"Dawladda Ingiriiska waxaan ka filaynaa in ay Somaliland aqoonsato" Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in Dawladda Britain ka filayaan in ay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, madaama oo xidhiidh taariikhi ah uu ka dhexeeyo labada dhinaca Madaxweyne Cirro oo wareysi siiyay wargeyska The Telegraph, waxa uu yidhi “Xidhiidhkayga Britain waa mid aan la wiiqi karin, laakiin waxaan ka filaynaa Britain inay na aqoonsato. Haddii Britain ay taageerto xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka, iyo xasilloonida dimuqraadiyadeed, waa inay na siisaa taageeradeeda.” Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Dawladda Ingiriisku ay leedahay door diblomaasiyadeed oo muhiim ah maadaama ay tahay “Penholder”-ka United Nations ee arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa waddan saameyn weyn ku leh mustaqbalka gobolka.

MD1 min read30K views
"Dawladda Ingiriiska waxaan ka filaynaa in ay Somaliland aqoonsato" Madaxweynaha Somaliland

Related Stories