Subscribe
MM Somali TV
LATEST
Sports
Sports

Koobka Gobollada Somaliland: Ma La Qaban Doonaa Sannadkan?

Koobka gobollada Somaliland ayaan la qaban tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Cirro talada dalka la wareegtay, arrintaas oo su'aalo badan ka dhex dhalisay taageereyaasha ciyaaraha.

MD1 min read27K views

Koobka gobollada dalka ayaa ah tartanka ciyaaraha ee ugu xamaasadda iyo xiisaha badan Somaliland, kaas oo sannad kasta kulmiya kumannaan dhallinyaro iyo taageereyaal ah oo ka kala yimaada dhammaan gobollada dalkeenna. Waa madal lagu muujiyo xirfadda, is-dhexgalka bulshada, iyo waddaniyadda.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) talada dalka la wareegtay, tartankan xiisaha badan ayaan wali la qaban. Taageereyaasha ciyaaraha ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa si weyn isku weydiinaya sababta keentay dib u dhacan iyo bal in xukuumaddu ay qorshaynayso qabashada koobkan sannadkan.

Garoomada waaweyn ee dalka, gaar ahaan Hargeysa Stadium, ayaa xilligan oo kale ahaan jiray kuwo camiran oo ay dhalintu ku xoomto. Hadda indhaha bulshada isboortigu waxay eegayaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo laga sugayo inay bulshada u caddeyso qorshaha dhow ee ku aaddan qabsoomidda Koobka Gobollada Somaliland ee sannadkan.